Agaasimaha Dalladda Waxbarashada FPENS Mudane Abdirazak Mohamed Sheikh(Nadara) iyo xubno katirsan Dalladda ayaa waxa ay kormeer ku tageen Dugsiga Imaamu Shaafici Dhexe/Sare(Sheikh Madar) oo kamid ah iskuullada magaalada Muqdisho ee hoos taga dalladda.Agaasimaha oo u kuur galayay heerka tayada waxbarasho ee dugsiyada katirsan Dallada ayaa mid mid u booqday fasallada ardayda ay wax ku bartaan, sidoo kale waxa uu Agaasimaha si gaar ah u booqday fasallada shahaadiga ah, si uu ugu dhiirri galiyo udiyaar garowga imtixaanaadka.Madaxa waxbarashada Mu’asasada Imaamu Shaafici Ustaad Maxamuud salaad ayaa uga mahad celiyay wafdiga uu hoggaaminayay Agaasimaha Dallada kormeerka ay ugu yimaadeen.
- 25 Jan
- 2021

